Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan ka soo baxay Xisbiga Waddani oo Codkiisa ku biiriyey Murashaxiinta Shirgudoonka ee Xisbiga Kulmiye

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan khadar Guun oo xisbiga mucaaridka ee waddani uga soo baxay gobolka Maroodi-jeex ayaa shaaciyay in uu taageerayo shirgudoonka xisbiga xukuumiga kulmiye

khadr-guun.jpg
 Xildhibaankan ayaa hore uga tirsanaa isbahaysiga xisbiyada mucaaridka isagoo kamid ahaa xildhibaanadii laba cisho ka hor soo dhaweeyay xildhibaan Maydhane oo kasoo baxay xisbiga kulmiye oo taageeray shir gudoonka isbahaysiga mucaaridku uxusheen in uu utartamo gudoomiyaha golaha ee cabdirasaaq khaliif hormuudka uyahay

Balse xildhibaan khaddar guun ayaa badalay aragtidiisii hore hadana ka mid noqday xildhibaanada mucaaridka ee taabacsan shir gudoonka xukuumadu wadato.

Loolanka loogu jiro shir gudoonka golaha wakiilada ee ay ku hirdamayaan isbahaysiga xisbiyada wadani iyo Ucid oo isku dhinac ah iyo xisbiga xukuumada ee kulmiye ee uu gadhwadeenka ka yahay madaxwayne Muuse Biixi ayaa maraya meel xasaasiya iyadoo isla caawana uu xildhibaan xisbiga kulmiye uga soo baxay gobolka sool uu shaaciyay in uu taageersan yahay isbahaysiga mucaaridka ee cabdirasaaq khaliif hormuud u yahay.

Ilaa hada ma cada sida loogu kala guulaysan doono shir gudoonka golaha wakiilada oo  lafilayo in fadhigoodii u horeeya ay yeelan doonan bilowga todobaadka soo socda wallow aanu wali madaxwayne Muuse Biixi soo saran qoraalkii uu ku mudayn lahaa maalinta ay fadhiisanayaan golaha wakiiladu!

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this