Sign in to follow this  
Deeq A.

Norway oo Farmaajo taallo uga dhiseysa Stadium Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Hay’adda Taageerada Caalamiga ee Norway ee NIS u qaabilsan Soomaaliya Qaasim Gaaboow Ducaale ayaa shaaciyay in ay qorsheynayaan dhismaha taallo weyn oo loo dhisayo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraal uu wakiilku bartiisa Twitter-ka soo dhigan ayuu ku sheegay in taalladda madaxweyne Farmaajo laga dul dhisi doono dusha sare ee qeybta shakhsiyaadka muhiimka ah (VIP) ee Stadium Muqdisho.

“Waa madaxweynaha Jamhuuriyada. Hada weliba Taala ayaan uga dhiseynaa meesha VIP-da korkeeda – seriously (Waa iga dhab),” ayuu yiri Qaasim Gaaboow.

Screen-Shot-2021-07-27-at-8.53.56-AM.png

Qaasim faahfaahin kama bixin xilliga la fulinayo mashruuca uu ku dhawaaqay iyo ujeeddada laga leeyahay, balse waxaa laga cabsi qabaa in uu mashruucan dhaliyo xiisad siyaasadeed, maadaama dhaqaalaha hay’addan uu yahay mid loogu yaboohay horumarinta Soomaaliya.

Hay’adda NIS oo Soomaaliya mashaariic badan ka fulisay waxay maamushaa deeqo inta badan ka yimaada dowladda Norway iyo qaar kamid ah dalalka Midowga Yurub oo deeqaha ay Soomaaliya ku bixinayaan soo mariya.

Muwaadiniin badan ayaa baraha bulshada kaga falceliyay adeegsiga kooxda olelaha madaxweyne Farmaajo ee shaashadda Stadium Muqdisho oo si joogta ah loogu soo bandhigo sawirkiisa oo weyn xilliyada ay socdaan ciyaaraha. Dayactirka garoonkan waxaa gacan ka geystay hay’adda NIS.

“Shaashadda garoonka Stadium Mogadishu ee loogu talo galay in saacadda iyo natiijada ciyaarta lagala socdo ayaa mararka qaar la soo saaraa Sawirka Farmaajo” ayuu Twitter-ka ku soo qoray Cabdullaahi Axmed oo ku lifaaqay sawir arrinkan muujinaya.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu horay u dayactiray taallooyin ku yaalay Muqdisho oo ku burburay dagaalladii sokeeye. Haddii ay hirgasho dhismaha taalladan waxa uu noqonayaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee loo dhiso taallo iyo madaxweynihii ugu horreeyay adduunka oo taallo loogu dhiso lacag gargaar loogu talo galay.

Isha: Mustaqbal Radio

The post Norway oo Farmaajo taallo uga dhiseysa Stadium Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this