Sign in to follow this  
Deeq A.

Weriye Soomaaliya oo u shaqeeya Telifishanka Itoobiya Dawlada “ETV” oo Shaqadii uga  tegay cadaaladaro war tebineed ee dagaalka Canfarta & Soomaalida ka dhex oogan

Recommended Posts

Deeq A.   

Weriye Soomaaliya oo u shaqeeya Telifishanka Itoobiya Dawlada “ETV” oo Shaqadii uga  tegay cadaaladaro war tebineed ee dagaalka Canfarta & Soomaalida ka dhex oogan

weriye.jpg
Nasridiin Xasan Daahir

Nasridiin Xasan Daahir oo kamid ah suxufiyiinta Soomaalida ee ka howlgala teleefishinka Qaranka Itoobiya ee ETV ayaa xaqiijiyay in uu isaga tagey shaqadiisa kadib dhibataada ka dhalatay dagaalka ka dhacay degmada Garba Ciise halkaas oo ay colaad ku dhexmartay Soomaalida iyo Canfarta.

Wuxuu jeediyay dhaliil ah in si caddaalad ah waxbo loogu tebin shacabka Soomaalida gaar ahaan dhibaatooyinka ka dhaca gobollada ay degan yihiin.

“Go’aankeygu wuxuu ku saleysan yahay kadib markii aan arkay caddaaladda darrada warbaahinta dalka oo aanan u sineyn in bulshada ay si sinaan wax ugu tebiso”

“Mar haddii codkeyga aan ugu tebin karin baahiyaha bulshadeyda ayaa waxaan qaatay in aan sii wadi karin shaqada iyo xilka aan ka hayo warbaahinta qaranka, Turjaamano ayaan aheyn oo waqooyiga iyo dhibaatooyinka qowmiyadaha kale ka dhaca ayaan tebineyay” ayuu yiri Nasridiin oo BBC la hadlayay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this