Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo guddi khubaro ah u magacowday kiiska Ikraan Tahliil

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ikraan Tahliil Faarax oo muddo ka badan bil lagu la’yahay gacanta Hay’adda NISA, sida ay sheegeen qoyskeeda ayaa maanta waxay dowladda u magacowday Guddi khubaro ah oo baara kiiska maqnaashaheeda.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Jeneraal Cabdullaahi Buulle Kamay ayaa saddex Sarkaal oo ka kala tirsan Xafiiska Xeer Ilaalinta, Booliska iyo Nabad-sugida u magacaabay baarista kiiska Ikraan Tahliil.

Xeer Ilaaliyahay ayaa sidoo kale faray Taliska NISA iyo cidkasta oo ay quseyso arrintaas inay si dhow ula shaqeeyaan Saraakiisha loo magacaabay kiiskeeda, si loogu xaqiijiyo cadaalada.

Magacaabista guddiga baaraya kiiska Ikraan Tahliil ayaa waxa uu imaanaya kadib markii uu Xafiiska Xeer Ilaalinta uu aqbalay furashada Gal-dacwadeed ay kal hore gudbiyeen ehelka Ikraan oo muddo ka badan bil la la’yahay.

Arrinta Ikraan ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay si weyn loo hadal hayey, maadama ay aheyd Sarkaal muhiim ah oo ka tirsan NISA, islamarkaana ay ku maqan tahay gacantooda, sida ay warbaahinta u sheegen eheladeedu.

The post DF oo guddi khubaro ah u magacowday kiiska Ikraan Tahliil appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this