Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Soomaalida iyo Canfarta ee ITOOBIYA

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyo Soomaalida iyo Canfarta oo maanta dib uga qarxay dalka Itoobiya, kaas oo geystay khasaare kala duwan oo soo kala gaaray labada dhinac.

Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa haatan wuxuu ka socdaa duleedka magaalada Garba Ciise oo ku taalla wadada dheer ee isku xirta wadamada Itoobiya iyo Jabuuti.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu u dhexeeyo xoolo dhaqato Soomaali ah iyo sidoo kale maleeshiyaad ka soo jeedo dhanka deegaanka Canfarta.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay in dhawaaqa rasaasta si xoogan looga maqalayo magaalada & agagaarkeeda, waxaana la’isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalkan ayaa sidoo kale daba socda mid kale oo todobaadkii hore ka dhacay aagga haatan lagu dirirayo, waxaana ku dhintay Soomaali fara badan.

Wasiir ku xigeenka xafiiska warfaafinta dowlad deegaanka Soomaalida Maxamed Rooble Maxamuud oo u warramay VOA wuxuu shaaciyey in qiyaastii 400 qof la dilay, islamarkaana magaalada ay la wareegeen maleeshiyaadka Canfarta ee la dagaalamaya Soomaalida.

“Dadka gudaha ku jira ee aan la xiriirnay waxay innoo sheegeen dad illaa 350 qof illaa 400 u dhexeeyo in lagu dilay halkaasi,” ayuu yiri Maxamed Rooble Maxamuud oo ah wasiir ku xigeenka xafiiska warfaafinta dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Si kastaba dagaalka labada dhinac ee haatan dib u bilowday ayaa kusoo aadaya, xilli shalay maamulka deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya uu shaaciyey inuu difaaci doono dadka Soomaalida ah ee deggan aagga magaalada Garba Ciise iyo deegaannada kale ee ku dhow.

The post Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Soomaalida iyo Canfarta ee ITOOBIYA appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this