Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Diheeye Oo Farta Ku Fiiqay In Aan Shirguddoonka Loo Dooran Oday Gaboobay Oo Guul-wadde U Ahaa Siyaad Barre

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Sheekh Xasan Axmed Diheeye oo ka mid ah Culimada Reer Somaliland ayaa ka hadlay loollanka shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland,waxaanu sheegay in aan loo baahnayn in shir guddoonka Golaha Wakiillada loo dhiibo Oday weyeel ah oo kamid ahaa guul-wadaashii Maxamed Siyaad Barre.

Sheekh Diheeya ayaa ugu horayn tallooyin mihiim ah u soo jeediyey Xildhibaannada cusub ee Golaha Wakiillada Somaliland “Baarlamaanka hadda la doortay ama muxaafid ha-ahaado ama muxaafid ha –ahaado waxa laga rabbaa danta waddanka in aad gacanta ku dhigtaan oo aydaan u shaqayn caloolihiina iyo mushaharkiina iyo gacanta oo wax la idiinku rido oo aamusa la yidhaah in aydaan u shaqayn ,waxa weeyaan taas baylaho baddan ayaa taal waddanka oo soddonkaa sanno laga hadli la’yahay wax laga qaban la yahay.”

Dhanka kalene Sheekh Xasan Diheeye ayaa sheegay in aan loo baahnayn in Guddoomiyaha Golaha Wakiillada loo doorto oday Gaboobay oo kamid ahaa guul-wadayaashii Maxamed Siyaas Barre,waxaanu ku taliyey in loo doorto Xildhibaan dhallinyaro ah ” Habel ayaan guddoomiye u doonnayaa socon mayso,lakiin waxa aan leeyahay odayaasha Gaboobay ee guul-wadayaashii Maxamed Siyaad Barre kamid ahaa ee waddanka soo daashaday ee meesha lagu cel-celinayo ha laga daayo dhallinyar ha loo dhiibo meesha sidan Maayarada oo kale,Barlamaanka waxa aan rab-naa in rag dhallinyar ah oo waddani ah oo aqoon yahana loo dhiibo .”

Waxa uu intaas ku daray sheekhu “Illaahay wuu idin weydiin doonnaa cida aad meesha u dooranaysaan,waayo marka nin aan meesha u qalmin loo doorto ninkii u qalmayna la dhaafo illaahay ayaa idinkula xisaabtami.”

Dhanka kalene Sheekh Xasan Diheeye ayaa Xildhibaannada reer Awdal ugu baaqay Inay tageeraan Musharraxiinta isbahaysiga Mucaaradka,isla markaana ay codka siiyaan ” Xildhibaannada Golaha Wakiillad ee ka soo baxay Gobolka Awdal waxa ayaan iyaga leeyahay ama Mucaaradka ka soo baxa ama muxaafad ka soo baxa waxa la idinka rabbaa in aad gacan keliya noqotaan Gobolkani waxa uu idiinka baahan yahay mid-nimo cidii anfacaysa ummadda Somaliland la yidhaah taageera cidii Awdal anfacaysa taageera,waa in aad noqotaan gacan qudha oo wixii Gobolka u dan ah isku raacdaanoo aydaan u kale hadhin ama mucaaradka ku jir ama muxaafidka ku jir sidaas ayaad wax noogu qaban kartaan,Gobolkuna wuu idinla xisaabtami annigu kolay dadka xisaabtamaya ayaan ku jiraa ee idinla xisaabtamaya.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this