Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi Oo Qallinka Ku Duugay Xeerka Furista Ururrada Siyaasaadda

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa qallinka ku duugay Xeerka furista Ururrada Siyaasaadda ee Xeer 14 oo dhawaan ay ansixiyeen Golaha Guurtidu.

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa la sheegay inuu toddobaadkan saxeexay xeerkan oo si rasmi ah u dhaqan geliya, saxeexa Madaxweynaha ka dib.

“Madaxweynuhu wuxuu saxeexay Xeerkii furista ururrada siyaasadda, waxaana innagu waajib ah in aynu Ururro furano” sidan waxa yidhi Xildhibaan Cali Barre, oo ka mid ah Xildhibaannada xilka banaynaya ee Golaha Wakiillada.

Sidoo kale, warar xogogaal ah ayaa tibaaxaya in Madaxweynuhu wax ka beddelka Xeerka furista Ururrada saxeexay, isla markaana maalmaha soo socda lagu soo saari doono faafinta rasmiga ah.

Xeerkan Madaxweynuhu saxeexay, ayaa dhabbaha u xaadhaya in la furo ururrada siyaasadda Somaliland, iyada oo xeerkani dhigayo in lix bilood ka hor wakhtiga uu dhacayo Ruqsada Saddexda Xisbi ee Waddani, Kulmiye iyo UCID, Kuwaas oo wakhtigoodu dhacayo bisha December ee 2022-ka, halka xeerkan dhigayo in wakhtigaas lix bilood ka hor oo ah June 2022-ka in la furo, iyada oo loo marayo doorasho toos ah oo Ururrada lagu soo dooranayo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this