Sign in to follow this  
Deeq A.

“Ciidanka Qaranku qeyb muuqda ayuu ka noqonaya horumarka Somaliland gaadhayo Insha Alaah..”Taliyaha Ciidanka Qaranka S/Gaas Nuux

Recommended Posts

Deeq A.   

“Ciidanka Qaranku qeyb muuqda ayuu ka noqonaya horumarka Somaliland gaadhayo Insha Alaah..”Taliyaha Ciidanka Qaranka S/Gaas Nuux I.Taani

Capture-1.jpg edr.jpg w3.jpg

Ceerigaabo-Taliyaha ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaacil Taani ayaa sheegay in CQ qeyb ka noqon doono horumarka Somaliland gaadhayso, xilli uu shalay xadhiga ka jaray guri cusub miiska saraakiisha oo Ciidanka Qaranka JSL ku yeesheen, magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.

Wefdi uu hogaaminayey Taliyaha Ciidanka Qaranka S/Gaas Nuux oo socdaal ku tegay magaalada Ceerigaabo ayaa shalay furay gurriga cusub oo madaxda CQ ee booqashada ku taga gobolka Sanaag ku nasan doonaan, maadama inay hudheelada shicibka u hoydaan looga wanaagsan yahay.

Hoygan oo ka kooban laba dabaq, ayaa leh 3 qol oo fadhiyo waaweyn ah, 10 qol hurdo iyo xafiisyo ayaa hadalo laga jeediyey waxuu ugu horeyn Afhayeenka CQ G/Sare C/raxmaan C. Xasan oo ka hadlay sheegay in gurrigan oo qiimo badan u leeyahay CQ iyo xukuumada Somaliland, lagu qaban doono hawlaha qaranka.

Taliyaha Ciidanka Qaranka, qeybta Saddexaad G/Sare Muuse Jaamac Delef oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in xukuumada Somaliland iyo CQ tacab badan geliyeen dhismaha gurrigan, isla markaana Taliyaha CQ S/Gaas Nuux xil weyn iska saaray dhismahiisa.

Taliyaha Ciidanka Qaranka S/Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo hadal ka jeediyey ayaa u mahadceliyey Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi, isla markaana sheegay inay qorsheynayaan sidii dhismayaal kale Ciidanka Qaranka loogu dhisi lahaa, si ay qeyb uga noqdaan horumarka Somaliland, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa,

“Waxaan ku faraxsannahay furitaanka gurrigan oo Runtii qeyb ka ah horumarka Ciidanka Qaranka iyo dalka Somaliland. Ciidanka Qaranku qeyb muuqda ayuu ka noqonaya horumarka Somaliland gaadhayo Insha Alaah.

Mohamoud Ali Walaaleye

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this