Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya oo leexisay Duulimaadyadii ku wajahanaa Addis-ababa,Halka loo leexiyey+Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Itoobiya oo leexisay Duulimaadyadii ku wajahanaa Addis-ababa,Halka loo leexiyey+Sababta

Ethiopia oo leexisay duulimaadyadii Addis Ababa + Sababta

Shirkada Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa goordhoweyd soo saartay qoraal ay ku shaacineyso in duulimaadyadii Addis Ababa ee garoonka Bole International Airport la leexiyay, sababo la xiriiro isbedel xun oo dhanka cimilada ah.

Qoraal kooban oo ka soo baxay maamulka Shirkada ayaa lagu sheegay in duulimaadyadii aadayey garoonka Bole loo leexiyey garoomada ku dhow-dhow, oo aan si faah-faahsan loo cadeyn.

“Taxaddar dartiis, duulimaadyada ku wajahan Addis-Ababa ayaa loo weeciyey garoomo diyaaradeed kale oo ku dhow sababo la xiriiro cimilada aagga garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Addis Ababa Bole International Airport,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay maamulka Shirkada Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines.

“Maadaama bad-qabku yahay ahmiyadeena koowaad, duulimaadyada aadayey Addis Ababa ayaa hadda ka dagaya garoomo diyaaradeed kale, waxayna ku laaban doonaan meeshii ay markii hore u socdeen markii cimiladu hagaagto. Wixii warar ah ee kusoo kordha duulimaadyada waan idinla socodsiin doonaa. Waxaan ka raali galineynaa macaamiisheenna sharafta leh dhibaatooyinka ka dhashay wax ka baxsan awooddeenna.”

Waxaa saacadihii u dambeeyay isbedel cimilo oo aad u sareeya uu saameeyay guud ahaan caasimada dalka Itoobiya, waxaana la arkayey cayryaamo aad u badan oo saameyn ku yeelatay is-araggii xitaa gaadiidka caadiga ah ee marayey jidadka magaalada.

Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in diyaarado saaka laga celiyay garoonka diyaaradaha ee Bole ay ka dageen dalka Jabuuti, kadib markii ay u suurto-geli weyday inay ku dagaan garoonkaas oo muddo ku dul-wareegayeen.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this