Sign in to follow this  
Deeq A.

Kala Shaki Soo Kale Dhex-galay Xisbiga KULMIYE iyo Xubnihii U Tegay Ee UCID Iyo Halka Ay Sartu Ka Qudhuntay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Warar iyo xoggo hoose oo soo baxaya ayaa sheegay inuu kala shaki uu soo kale dhex-galay Xisbiga KULMIYE iyo Xildhibaannadii Xisbiga UCID ee dhawaan heshiiska la galay KULMIYE,kadib markii ay keeni karri waayeen Xildhibaanno kale oo ay hore u sheegaan inay soo duuf-sanayaan iyo qaar kamid ah xubnaha oo la sheegay inuu KULMIYE u tuhun-san yahay inay xidhiidh la leeyihiin isbahaysiga.

Xoggaha ayaa sheegay in Xildhibaannada UCID ay ballan qaadaan gaar ahaana Cabdinaasir Qodax iyo Xildhibaan Giirre inay keenayaa Xildhibaanno ka soo jeeda Beelahood West Burco Clan iyo Habar-jeclo,balse taas ay u suurageli wadday, isagoo uu Qodax illaa hadda yahay keli oo aanu jirin Xildhibaan beeshiisa ah oo uu KULMIYE geeyey si uu kooramka uu ugu dha dhawaado KULMIYE,balse waxa laga cabsi qabaa in Xildhibaannada West Burco Clan ee KULMIYE ka soo baxay ay iyana u tagaan isbahaysiga, maddaama oo uu Madaxweyne Biixi intii beeshiisa ee ka soo baxda UCID uu gaar u soocday.

Dhanka kalena Xoggaha ayaa sheegay in kaatiriinta KULMIYE ay arrintaas ku abuurtay walaac,isla markaana ay u cadaatay in aan Xildhibaan Qodax aanu awood u lahayn in Xildhibaannada West Burco Clan uu keeno KULMIYE,isla markaana aanu hal Xildhibaan keeni karrin,halka uu Xildhibaan Giire uu isna lamid yahay oo aanu Xildhibaan ka so jeeda Beeshiisa Habar-jeclo keeni karrin KULMIYE si uu kooramka ugu buuxiyo,sidoo kalena KULMIYE ayaa ka shaki qaba in aanay Xildhibaannada u tegay u coddaynayn,isla markaana ay si hoose ula socdaan qaarkood isbahaysiga UCID iyo WADDANI.

Xildhibaannada UCID ayaa iyana walaac ka muujiyey Xildhibaannada KULMIYE oo ay u arkaan inay ku meel gaadhayaan, Xildhibaan Qodax ayaa mar uu hadlayey dhawaan muujiyey walaac uu ka qabo in Xildhibaannada Xisbiga KULMIYE inay uga fadhiistaan,isla markaana ay codka siin waayaan doorashada shir guddoonka“Reer KULMIYE waxa aan leeyahay annagu xoog idinku soo biiray ayaanu nahay Xildhibaannada ayaan ka hadlayaa Raggayaga halkaa fadhiyana nin aan tacab iyo cadaadis la soo saarin ma jiro aynu isku hiilino oo waa aanu idin dhisaynaa na dhisa ,Rag baddan oo han leh oo KULMIYE ah ayaa jiray  oo ixtiraamay go’aankaa la qaatay  annaguna waxa aanu jecelnay mawqifkaa aanu idinla qaadanay.”ayuu yidhi

Si kastaba ha-ahaatee Xisbiga KULMIYE iyo Xildhibaannadii dhawaan u tegay ee Xisbiga UCID ayaa waxa soo kale dhex-galay shaki uu mid-ba ka kale ka qabo ,KULMIYE ayaa ka boodsan isagu kadib markii ay xubnaha UCID keeni waayeen Xildhibaanno ay sheegeen inay keenayaa si ay ugu buuxiyaan kooramka,halka ay xubnaha UCID ay iyana is leeyihiin waa la idinku dan-gaadhayaa uun ee meesha wax-ba idiin-ma yaallaan, waxaynu dhawrnaa waa halka ay saldhigato xaajadu iyo maal-maha soo socda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this