Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Loollanka Shir-guddoonka Wakiillada Iyo Xildhibaano Ka Goostay KULMIYE Iyo Tiradda Xildhibaanadda La Kala Haysto

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)- marna is-muquuninta shir guddoonka Golaha Wakiillada, ayaa galay wajigii ugu dambeeyey ee ay ku kala calaf qaadayeen labada garab ee Xisbga KULMIYE iyo isbahaysiga Xisbiyadda UCID iyo WADDANI oo hadda isu arka dhankooda inay yihiin Ragga Xaraarta-butaystay oo aan cid kale ku qoor-diyeyn,waxad mooda in ciyaartii kama dambeysta ee lagu kala hadhayey ay hadda u wareegtay garoomada deegaanada Gal-beedka dalka, walow Magaalooyinka Burco iyo Hargeysa labada laga dareemayo dhaqdhaqaaqyo loogu diyaar-garoobayo ka qaybgalka ciyaarta soo gunnaanadi doonta loollanka mudada dheer soo jiitameyey.

Dhanka kalene Hoggaanka Isbahaysiga mucaaradka ee WADDANI iyo UCID ayaa qaabilay xildhibaanno Xisbiga Kulmiye uga soo baxay gobolka Awdal oo ballanqaaday in ay dhisayaan musharraxiinta Shirguddoonka Golaha Wakiillada ee Isbahaysiga Mucaaradka.

Musharraxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md Cabdirisaaq Khaliif iyo Musharraxa guddoomiye xigeenka 1-aad Cumar Jaamac Faarax ayaa si weyn ugu mahadceliyay Xildhibaannada, islamarkaana ballanqaaday in ay tabashada reer Awdal ee dhanka Saamiga si weyn u taageeri doonan dadaallada wax lagaga qabanayo.

Sida oo kale Afhayeenka Xildhibaannada Gobolada Awdal iyo Salel Xildhibaan Maxamed Xuseen Maydhane ayaa ballan qaaday  in ay u codaynayaan Musharraxiinta Shirguddoonka ee Isbahaysiga Mucaaradku soo xulay” annigu KULMIYE ayaan ahay KULMIYE ayaan ahaan doonnaa ,lakiin caddaaladu meesha ay taallo waddanku caddaalad ayuu u baahan yahay, maanta caddaalad cid noogu hiilisa ayaan isbahaysi la samaysanay haddii aanu raar Awdal nahay ,waxaan ka tagnay Caddaalad darrada Madaxweynaha maanta jooga ee Muuse .”

Waxa uu intaas ku sii daray “ Maalintii aan haddalnay ee hawsha shir guddoonka aan ka hadlaynay in caddaalad loogu qaybiyo dadka wey dhici weyday annagoo nidhi  toddobada xubnood ee mucaaradka ayaanu keenaynaa Guddoomiye ku-xigeenka ayaan xaq u lahaynay hanala siiyo ayaanu jawaab weynay,markii aanu war-baahinta ka haddalnay waa na loo yeedhay waanu is hor fadhiisanay,waxaan ku nidhi haddii aad labadii xubnood naga qadisay oo ma inankaas ayaa naga miisaan culus Qodax waxa uu noogu jawaabay isaaq ayuu tirsanayaaye ,annagu Madaxweyne Somaliland ah ayaan mooddaynee haddii uu oday isaaq noqday ,taas ayaan ka tagnay wax reer Awdal halkaa u yaallaa ma jirto.”

Geesta kalene Xildhibaan Maxamed Xuseen Maydhane  ayaa sheegay in Xildhibaannada kale ee reer Awdal oo ka soo baxay Xisbiga KULMIYE ay iyana imanayaan halkan si ay u dhisaan shir guddooonka Somliland loo dhan yahay “Xildhibaannadii Xisbiga KULMIYE anniga oo ah inta kalene u tallinayana wallaahay oo leh soo raaca xaqa ,Waxa aan ballan-qaadayaa in aan codkayga ugu hiilinayo codkayga xaqa halka uu yaallo Musharraxiinta isbahaysia Cabdirasaaq Khaliif, Cumar Jaamac iyo Cali Xaamud .”ayuu yidhi

Geesta kalene warar xog-oggaal ah ayaa wargeyska Waaberi u sheegay in tiradda Xildhibaannada ay haystaan isbahaysiga Xisbiyadda Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI ay gaadhayaan kontan muddane,halka Xildhibaannada uu haystaa Xisbiga KULMIYE ay yihiin 32 Xildhibaan, waxaana la sheegay in haddii uu haysan lahaa KULMIYE aqlabiyad aanu u laba lugoodiyeen ee uu Madaxweyne Biixi isku yeedhi lahaa Xildhibaannada Golaha Wakiillada,balse weli uu naawilayo inuu  xubno kale helo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this