Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland oo xafiiskiisa ku qaabilay Sen. Cabdiraxmaan Faroole

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16272976052152153.jpg?resize=720%

Guddoomiyaha Baarlamanka dowladda, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta oo Isniin ah Xafiskiisa ku qaabilay Madaxweynihii hore dowladda Puntland, ahna Senatar ka tirsan Aqalka sare ee dalka, Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole).

Kulanka waxa goob-joog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamanka, Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan, Guddoomiye ku xigeenka labaad Ismaaciil Maxamed Warsame iyo Xoghayaha guud ee Golaha Cabdirisaaq Xiddig Warsame.

Sidoo kale, waxa goob-joog ahaa xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka iyo La-taliyaha dhinaca Amniga ee madaxweynaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Faroole.

Kulanka labada dhinac ayaa ku soo beegmaya, xilli dhowaan la filayo in Baarlamanka Puntland doorto xubnaha Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya ku metela Puntland.

Halkaan ka eeg sawirada

5-3.jpg?resize=1000%2C615&ssl=1 1-23.jpg?resize=1000%2C728&ssl=1 2-33.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 3-19.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 4-12.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 6-2.jpg?resize=1000%2C680&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland oo xafiiskiisa ku qaabilay Sen. Cabdiraxmaan Faroole appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this