Siciid1986 Posted September 26, 2009 ( Hadhwanaagnews) Saturday, September 26, 2009 Shucayb Xasan Ducaale, oo ah ninka ugu gaaban dalka Somaliland, ayaa bogaadin u soo diray golaha guurtida iyo saddexda xisbi qaran ee Somaliland. Ninka Ugu Gaaban Somaliland Shucayb Shucayb, oo isagoo ku sugan magaalada Addis Ababa xalay la soo xidhiidhay xafiiska Geeska Afrika ee Hargeysa, waxa uu golaha guurtida ku bogaadiyay go’aanka ay shalay gaadheen oo uu ku tilmaamay go’aan badbaado. “Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa golaha guurtida oo aan ku bogaadinayo go’aanka taariikhiga ah ee ay gaadheen.” Ayuu yidhi Shucayb, waxaanu intaas raaciyay, “Waa go’aan guurtinimo oo soo nooleeyay sumcadii Somaliland.” Mr. Shucayb, waxa uu sidoo kale hambalyo u soo diray saddexda xisbi qaran, “Sidoo kale, waxaan hambalyo u dirayaa saddexda xisbi qaran iyo madaxdooda oo aan ku ammaanayo go’aanka ay qaateen ee geesinimada leh.” Ayuu yidhi Shucayb oo muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Addis Ababa ee Itoobiya. Wargeyska Geeska Afrika, Quote Share this post Link to post Share on other sites