Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiye Sanyare “Laba qodob oo kaliya ayaa Al-shabaab looga guulaysan karaa”

Recommended Posts

Deeq A.   
SANYARAHA.png?resize=836%2C663&ssl=1

Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Axmed Muuse Nuur (Sanyare), ayaa sheegay in laba qodob oo keliya, haddii la sameeyo Al-shabaab looga baabi’in karo Soomaaliya oo dhan.

Guddoomiyaha oo ka hadlayay shir ku saabsan Amniga, oo lagu qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, ayaa ku baaqay in la fuliyo labadaas qodob, haddii la doonayo in Al-shabaab laga adkaado.

Qodobka kowaad ayuu ku sheegay, in la joojiyo odayaasha damiinka ku sii daaya xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee la qabto, ka hor inta aan baaritaan dhammaystiran lagu samayn.

Qodobka labaad ayuu sidoo kale ku sheegay, in mas’uuliyiinta dowladeed ay joojiyaan u hoggaansanka awaamiirta Al-shabaab ee ku dhisan cabsi-gelinta.

Halkaan ka daawo Hadalka Guddoomiyaha

PUNTLAND POST

The post Gudoomiye Sanyare “Laba qodob oo kaliya ayaa Al-shabaab looga guulaysan karaa” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this