Deeq A. Posted July 25, 2021 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku boorriyay madaxda dowlad goboleedyada in ay sida ugu dhaqsaha badan u qabtaan doorashada Aqalka Sare. Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madaxda dowlada goboleedyada ayaa habka fogaan araga ku yeeshay kulan looga hadlay dardagelinta doorashada. Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo habka fogaan aragga kula shiray madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka, ayaa ku boorriyay in ay sida ugu dhaqsaha badan u qabtaan doorashada Aqalka Sare, maadaama maanta ay ku ekeyd xilligii loo qabtay in la bilaabo doorashada Aqalka Sare”. “Madaxda ayaa isla qaatay in la dardar-geliyo doorashada Golaha Aqalka Sare ee BFS” ayaa la sii raaciyay qoraalka. PUNTLAND POST The post Muxuu Rooble kala hadlay madaxda dowlad goboleedyada? appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites