Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda degmada Caluula oo xukuntay rag ku eedaysan kufsi wadareed

Recommended Posts

Deeq A.   
3-18.jpg?resize=852%2C480&ssl=1Maxkamadda degmada Caluula

Maxkamadda derejada kowaad ee degmada Caluula oo ka tirsan gobolka Gardafuu ayaa maanta xukuntay afar nin oo ku eedaysnaa kiis kufsi wadareed ah.

Xeer-ilaalinta ayaa soo bandhigtay caddaymo muujinaya in afartaas eedaysane ay ka dambeeyeen kufsi wadareed degaanka loogu gaystay dhibbane Samsam Saalax Muuse.

Maxkamada ayaa min 12 sano oo xabsi ah ku ridday afartan eedaysan kadib markii ay dhegaystay soo jeedinta Xeer ilaalinta iyo caddaymihi la soo bandhigay.

PUNTLAND POST

The post Maxkamadda degmada Caluula oo xukuntay rag ku eedaysan kufsi wadareed appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this