Sign in to follow this  
Deeq A.

Xijaar oo is-beddel ku sameeyey mid ka mid ah xilalkii ugu muhiimsanaa taliska booliska

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta xilkii ka qaaday afhayeenkii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, una magacaabay mid cusub.

Taliye Xijaar ayaa afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed u magacaabay Gashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan oo ka mid ahaa ciidanka Booliska Soomaaliueed.

Gashaanle Cabdifataax Aadan ayaa sidoo kale kamid ahaa saraakiisha firfircoon ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, taasi oo uu Taliyaha ugu magacaabay xilkaan cusub.

Afhayeenka cusub ayaa waxa uu bedelayaa Korneyl Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) oo horay u ahaa Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Afhayeenka Ciidanka ayaa inta badan ka warbixiya shaqooyinka booliska, howl-gallada iyo kiisaska xasaasiga ah ee lala wadaagayo bulshada, waana midda uu qaban doono Afhayeenka cusub ee maanta la magacaabay.

The post Xijaar oo is-beddel ku sameeyey mid ka mid ah xilalkii ugu muhiimsanaa taliska booliska appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this