Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka jira in Siciid Deni u tartamayo doorashada Soomaaliya?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muddooyinkii u dambeeyay, waxa isa soo tarayay warar ku saabsan, in madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, uu doonayo in uu u tartamo xilka madaxtinimada Soomaaliya.

Wararkan oo baraha bulshada wareegayay waxa faafintooda qayb ka ahaa dadka taageersan Siciid Deni iyo kuwa mucaaradsan labadaba.

Madaxweyne Deni, marna isaga dadweynuhu kama maqal, xaqiijin ama beenin ku aaddan hadal-haynta soo noq-noqatay ee sheegaysa, in uu tartan u geli doono doorashada madaxtinimada Soomaaliya.

Haddaba, maxaa ka run ah arrintan?

Dad lagu kalsoonyahay oo Puntland Post su’aashaas weydiisay, waxay xaqiijiyeen in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya musharraxnimada madaxweyne Deni ee doorashada Soomaaliya.

Sidoo kale, waxay sheegeen in faafinta wararkaas ay si hoose ugu jireen saraakiil iyo saaxiibo ka ag-dhow Mr. Deni, si aan loo dareemin murashax uu ololihiisa dhisayo Siciid Deni oo saamayn muuqata ku leh arrimaha doorashooyinka dalka.

Waxa xusid mudan in aan si cad loo xaqiijin karin murashaxa uu taageerayo madaxweynaha Puntland, taas oo dadka looga mashquuliyay wararka la xiriira in isaga ( Siciid Deni) uu tartanka geli doono.

PUNTLAND POST

The post Maxaa ka jira in Siciid Deni u tartamayo doorashada Soomaaliya? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this