Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsato Dhaqaale Siinayey TPLF Oo Lagu Xidhxidhay Magaalada Jigjiga

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Jigjiga)-Ciidamada amniga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa Magaalada Jigjiga ku xidhxidhay 28 xubnood, oo lagu eedeeyay inay taageero maaliyadeed siinayeen Ururka TPLF ee ka dagaalama Gobolka Tigray.

Taliyaha Guud ee Booliska Dowlad Deegaanka Soomaalida, General Maxamed Cali Xasan ayaa dadkan ku eedeeyay in ay dhaqaale ku taageerayeen TPLF oo dowladda dalkaasi ay u aqoonsatay urur argagixiso.

“Dagaalka TPLF ay wadaan wuxuu ka dhan yahay dhammaan qowmiyadaha Itoobiya, waayo waxay rabaan inay soo celiyaan dhibaatooyinkii 27-kii sano ay dalka ku hayeen,” ayuu yidhi Taliyaha.

Taliyaha ayaa sheegay in laysla gartay in laga hortaggo dadka dhaqaalaha siiya jabhadda TPLF.

“Nimankan TPLF meel kasta oo dalka ah way jooggaan, oo waad ogsoon tihiin 27-kii sano ee wadanka haysteen meel kasta way ku baaheen, dhaqaalo ayayna ku sameysteen, dad-na way ku sameysteen. Sidaa darteed waxaa la’isla gartay cidda xidhiidhka la leh ee hantida u direysa, weliba kuwa dagaalka ku jira ee hantidooda dagaalka uga shaqaynaya in laga hortagga. Ninka dagaalka ku jira ee dalka inuu burburiyo doonaya ee hantidiisana ay halkan taalo dee waa khasab in laga hortaggo,” ayuu yidhi Taliyaha.

Taliyaha ayaa yidhi “Sidaa darteed anagu waxaan qabanay 28 xubnood, gawaadhi badan oo iyagana aan qabanay way jiraan, kuwo badan oo hadda dabagal ku haynana oo qaban doonnaa jira.” Ayuu yidhi Taliyaha oo intaa ku daray “Hantida noocaas ah runtii waan diiwaangelinaa iminka.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this