Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Garoowe oo xukuntay shabakad ka kooban sagaal nin

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda derejada kowaad ee magaalada Garoowe, ayaa xukuntay shabakad ka kooban 9 nin oo lagu helay in ay khamriga soo gelin jireen gudaha Puntland.

Raggan ayaa Booliiska Gobolka Nugaal ku soo qabtay hawlgal ay ka sameeyeen tuulada Magacley, oo ka tirsan degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal.

Sagaalkaas nin ayaa lagu xukumay min lix sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan $1000 Dollar, sida ku cad war ka soo baxay maxkamadda.

Sidoo kale, maxkamaddu waxay sheegtay in xorriyaddiisa dib loogu celiyay eedaysane kale oo lagu waayay wax danbi ah.

PUNTLAND POST

The post Maxkamadda Garoowe oo xukuntay shabakad ka kooban sagaal nin appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this