Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Dib u dhac ku yimid jadwalka doorashada Aqalka sare

Recommended Posts

Deeq A.   

Doorashada Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa la qorsheeyay in ay dhacdo maanta oo ku beegan 25-ka July, 2021.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaan weli soo gudbin liiska xubnaha Aqalka sare ee laga soo doorto degaannada Puntland.

Sidoo kale, Baarlamanka Puntland ayaan isna magacaabin guddigii qaban lahaa doorashada Aqalka sare, taas oo keentay dib u dhac ku yimid wakhtiga loo qorsheeyay in ay qabsoonto doorashada.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Dib u dhac ku yimid jadwalka doorashada Aqalka sare appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this