Sign in to follow this  
Deeq A.

Khilaaf xooggan oo ka dhex-qarxay guddiga doorashada HirShabeelle (Warbixin)

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa maalinkii afaraad galay khilaaf ka taagan doorashada Xoghayaha guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee HirShabelle iyo sameynta habraacyada xeer hoosaadka guddiga.

Guddigan ayaa horay u doortay guddoomiye iyo ku xigeenkiisa, balse waxaa banaan booskii Xoghayaha guddiga, kaas oo wajahaya loolan siyaasadeed oo adag.

Xubno ka tirsan guddiga doorashada HirShabeelle ayaa Caasimada Online u sheegay inay jirto faro-gelin uga imaneysa bannaanka, taas oo sababtay in afar kulan oo guddigu yeeshay lagu kala dareeray, iyadoo aan la gaarin wax is faham ah.

Khilaafkaan ayaa ka taagan laba arrin oo kala ah doorashada Xoghayaha guddiga iyo sameynta xeer hoosaadka guddiga, waxaana la sheegay in faro-gelinta ugu weyn ay ka imaaneyso Agaasimaha guud ee NISA oo sanadkaan musharax Xildhibaan ah.

Xogta aan helnay waxay intaas ku dareysaa in Fahad Yaasiin uu doonayo in Xoghayaha guddiga laga dhigo shakhsi uu wato, sidoo kalena xeer hoosaadka guddiga lagu cadeeyo awood xad-dhaaf ah oo Xoghayuhu uu yeelanayo, taas oo xubno ka mid ah guddiga ay ka biyo diideen.

The post Khilaaf xooggan oo ka dhex-qarxay guddiga doorashada HirShabeelle (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this