Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: BEESHA ay kasoo jeedo IKRAAN Tahliil Faarax oo war cusub soo saartay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Gaaljecel, oo ay kasoo jeedo Ikraan Tahliil Faarax oo ah gabar u shaqeyneysa NISA oo muddo lagu la’yahay nolol iyo geeri, ayaa waxay dowladda Soomaaliya ka codsatay inay helaan cadaalad, ayaga oo u qabtay saddex maalmood.

Beesha ay kasoo jeedo Ikraan ayaa tilmaamtay inaysan xaq aheyn in la iska wato qof muwaadin Soomaaliyeed ah, islamarkaana aan muddo lagu heyn nolol iyo geeri.

Odayaasha beesha oo kulan looga hadlayey kiiska Ikraan hadal ka jeediyey ayaa madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ugu baaqay inuu meel ku sheego Ikraan, haddii kale aysan suuragal aheyn inay dalka ka dhacdo doorasho.

“Dowladda Soomaaliya waxaan u sheegeynaa inay arrintaas jawaab deg deg ah ka bixiso, madaxweyne adigaa dalka u sarreeya, waxaa lagu mashquulsan yahay doorasho, haddii ay cadaalad daradaan jirto oo sidan wax yihiin sidee doorasho lagu aadaa, mala aadi karo waaye,” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha Beesha ay kasoo jeedo Ikraan.

Odayaasha ayaa madaxda Dowladda oo ay ugu horreeyaan madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ugu baaqay inay dareemaan xanuunka maanta iyaga haya maadama ay ka maqan tahay gabadhooda.

“Madaxda Dowladda, haddii ay yihiin saraakiil, madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo inta kale eka hooseysa dhammaantiin ubad ayaad dhasheyn, haddii ubadkiina maqan yahay xanuunka aad dareemi laheedeyn ayaan na haya ogaada,” ayuu mar kale yiri.

Sidoo kale odayaasha Beesha ay kasoo jeedo Ikraan ayaa sheegay inay cadda tahay in gabadhooda ay ku maqan tahay gacanta dowladda, maadaama ay sheegeyn in meesha laga watay ay tahay meel ammaankeeda aad loo ilaaliyo sidoo kalana gaariga lagu qaaday ay laheyd dowladda Soomaaliya.

Odayaasha ayaa sidoo kale codsaday in warka loo caddeeyo, haddii gabadhooda la dilayna maxkamad lasoo taago ciddii dilka geysatay islamarkaasna lasoo bandhigo sababtii loo dilay iyo cidda ka dambeysay dilkeeda.

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya baaritaanka lagu hayo kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo ah gabar u shaqeysa hay’adda NISA oo hadda la la’yahay muddo ku dhow bil, kadib markii la waayey 26-ka June.

Ikraan ayaa aheyd gabar aqoonyahanad, oo aad ugu wanaagsan qorista warqadaha xiriirka xafiisyada sida dowlad ama hay’adaha kale. Ikraan ayaa dhex-daganeyd xeendaabka NISA, ee ka xiran cirifka global iyo kan KM-0, taasi oo hay’adda farta kusoo fiiqday.

Illaa iyo hadda ma cadda cidda wadatay Ikraan iyo cidda bixisay amarka lagu watay Ikraan, hase yeeshee qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ee ku ehelka ah Ikraan iyo kuwa aan ku ehelka aheynba waxay eedeeyeen madaxda sare ee hay’adda.

The post Daawo: BEESHA ay kasoo jeedo IKRAAN Tahliil Faarax oo war cusub soo saartay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this