Sign in to follow this  
Deeq A.

3 Arrimood oo ku saabsan Gabadhii la waayay Raq & Ruux ee u shaqen jirtay Sirdoonka Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

3 Arrimood oo ku saabsan Gabadhii la waayay Raq & Ruux ee u shaqen jirtay Sirdoonka Somalia

.

Baraha bulshada iyo warbaahinta Soomaaliya waxaa maalmahan qabsaday qeylo dhaan ku saabsan gabadh ka tirsaneyd hay’adda Nabad sugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA, taasoo la waayay muddo hal bil ah ka hor.

Ikraan Tahliil Faarax ayaa sidoo soo noqotay agaasimaha xafiiska duqa magaalada Muqdisho, markii uu xilka hayay Cabdiraxmaan Yariisoow oo lagu dilay qarax.

Xog rasmi ah lagama hayo halka ay ku maqan tahay gabadhan iyo waxa ay ku sugan tahay nolol iyo geeri toona, waxaana odayaasha beesheeda ay dowladda Soomaaliya ugu baaqeen inay meel ku sheegaan islamarkaana caddaalad la siiyo.

Haddaba si sharraxaad badan loo helo waxaan eegeynaa afar arrimood oo ku saabsan gabadhaas ay hadal heynta xooggan ka taagan tahay.

Waa Tuma Ikraan?

Ikraan waxay bishii August ee sanadkii 1996-kii ku dhalatay magaalada Muqdisho. Waxay ka mid tahay dhallinyarada dibadda wax kusoo bartay kaddibna dalka dib ugu soo laabtay.

Waxayna khibrad in muddo ah u lahayd shaqooyinka xafiisyada dowladda iyo laamaha amniga.

.

Gabadhan ayaa in ka badan shan sano ka hor ku biirtay hay’adda Nabad sugidda ama Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA, iyadoo ahayd madixii amniga internet-ka ee hay’addaas.

Markii ugu horreysay ee ay NISA ku biirtay waxay ahayd sanadkii 2017-kii, sida uu warbaahinta u sheegay taliyihii hore ee sirdoonka Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali San Baloolshe.

Kaddib waxay ka shaqo billowday xafiiskii guddoomiyihii gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho oo ay agaasime ka ahayd.

Xoogaa kaddib Soomaaliya ayay ka baxday Ikraan inkastoo ay mar kale dib ugu laabatay. Hooyadeed waxay sheegtay in markii ay baxday ay aqoon kororsi u aadday dalka Ingiriiska.

2-Sida lagu “afduubay”

Inta badan wararka la isla dhex marayo waxay sheegayeen in Ikraan la afduubtay, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn cidda afduubatay, marka laga soo tago eedeymaha.

Gabadhan hooyadeed, Qaali Maxamuud Guhaad, ayaa sheegtay in gabadheeda iyadoo joogta guri u dhow xarunta nabad sugidda lasoo wacay kaddibna gaari lagu kaxeeyay.

Guriga ay ku sugneyd wuxuu ku yaallay agagaarka xarunta Nabad sugidda, oo ah goob amnigeeda si weyn loo ilaaliyo.

 

Qaali Maxamuud oo waddanka Turkiga uga timid si ay gabadheeda u raadiso ayaa shir jaraa’id warbaahinta ugu qabatay magaalada Muqdisho, waxayna dowladda ka codsatay in laga caawiyo sidii ay gabadheeda dib ugu heli lahayd.

“Aniga in sida ugu dhaqsiyaha badan wax la iila qabto ayaan rabaa, oo gabadheyda meesha ay ku jirto laga soo bixiyo. Gabadheyda meel dheer ma jirto, ma dhoofin, baasaboorkeeda aniga ayaa haayo, waddankaan ayay ku jirtaa, magaalada Muqdisho ayaa meel laga galiyay, ha la ii soo bixiyo,” ayay tidhi Qaali Maxamuud oo ah gabadha maqan hooyadeed.

Sidoo kale nabadoonno kasoo jeeda beesha ay ka dhalatay gabadha ayaa ku baaqay in sida ugu dhakhsiyaha badan loo helo Ikraan Tahliil.

3- Gaarigii lagu “afduubay”

Ikraan Hooyadeed ayaa shaaca ka qaadday in ay jiraan dad ay ku tuhunsan yihiin gabadheeda, inkastoo aysan si cad u sheegin magaca cidda ay gabadha ku maleynayaan.

Waxay intaas ku dartay in la garanayo gaarigii lagu qaaday Ikraan markii ugu dambeysay ee ay ka baxday guriga.

“Waxaa la ii sheegay in maalintii ay bisha June ahayd 26, abaare 8:03 ay iyadoo laptop wadata guriga ka baxday. Gaari la yaqaanno ayay racaday sida aan xogta ku heyno markii aan aragnay kaamirooyinka CCTV-ga,” ayay tidhi gabadha hooyadeed.

Laakiin xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow, ayaa sheegay in uu xarun ka mid ah xarumaha hay’adda nabad sugidda kusoo arkay gaari baraha bulshada lagu sheegay inuu ahaa kii gabadha lagu qaaday, wuxuuna sheegashadaas ku qeexay eed aan sal iyo raad toona lahayn.

“Waxaa baraha bulshada ku jira baabuur, baabuurkaasna waxaan ahaa qofkii ugu horreeyay ee la tusay, xarumaha nabad sugidda mid ka mid ah ayaa la iiga yeeray, kaamiradi ayaan fiirinnay, baaburki ayaa la daba galay, waxaana yeeshay shakhsi hay’adda ka tirsan. Haddii hay’adda wax lagu tuhmaayo sawirkaasba ma aysan soo saarteen,” ayuu yidhi.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa sheegay in ay ku jiraan howsha la xiriirta raadinta gabadha, wuxuuna warbaahinta u sheegay in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay qeyb ka yihiin dadaalkaas.

“Waxaan ka codsanayaa umadda Soomaaliyeed in ciddii xog ka heysa ay nala soo wadaagaan, ayna ila soo xiriiraan aniga oo ah adeerkeed, ahna xildhibaankeeda,” ayuu yidhi.

Wuxuu xildhibaanka ka digay dadka eedeymaha ku saabsan a xiriira sida ay Ikraan u maqan tahay ku faafinaya baraha bulshada.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this