Sign in to follow this  
Deeq A.

Jaamac Karaaciin:Burco waxay noqon doontaa Meel wadaadadu Lafaha Ku cunaan Ama Magaalo La laafyoota dhigeed

Recommended Posts

Deeq A.   
Waxaa Qoray Mulkiilaha Hotelka Isha-Burco Jaamac Karaaciin :-
Nina Dhuuniibuu Kuu dhex joogaa, Nina dhaqashuu Kuugu Dhabar jabay.
” Waxaan Arkayay Wadaaddo Ka Fal-celinaya Caweysyada Isha Burco Ka Dhaca, Waxay Il-duufeen Baahida taala Gobolkeena Waxay Dano gaara Iyo Aragtidoona Kaga Hadlaan Baydka Ilaahay Oo Ay Ganacsigooda Ku ilaashadaan.
Waxaan ku dhiiraday In Burco Hesho Horumar La Tartamaya magaalooyinka Kale, Waxaan Ka hirgeliyay Goboladda Bariga Iskuulo Hotelo Iyo Goobo Sports Oo Horumarka La talaabsanaya,
Waxaad aragtaan Hooyooyin Ooyaya Oo Duruufaha Nolosha La Ildaran Iyo Hablo Kufsi Iyo Dil laysugu Darayo Maalina Wadaadda Burco Kama Hadlaan.
Anigu Waxaan qabaa Wuxuu Sharciga Dalka U yaalaa Qabo, Bandhigyada, Caweysyadda Iyo Kulamadda Dadweynuhuba Way ka dhacayaan Isha Burco,
Isha Burco diin laguma Haysto, Xumaana Laguma sameeyo Ee Waa Dano ganacsi Iyo Dagaal dhaqaale Oo Khamiis Loosoo xidhay,
Waxa Jira In isha Burco Tahay Rug kulmisa dhalinyaradda Burco Aqoon yahankeeda Iyo Qurbajoogeedaba Taas Oo Baahi badan kaafisay.
Burco waxay noqon doontaa Meel wadaadadu Lafaha Ku cunaan Ama Magaalo La laafyoota dhigeed.
Ugu danbayntii Waxaan Farayaa Cid kasta Oo Burco rajo ka qabta Inay Horumarkeeda ka qayb qaataan Dhalinyaradana Garab Istaagaan”
karaaciin-e1627126712251.jpg
Wa Bilaahi Towfiiq.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this