Sign in to follow this  
Deeq A.

Garoowe: Digniin laga soo saaray kursiga aqalka sare ee gobolka Nugaal

Recommended Posts

Deeq A.   

Nabadoonada iyo cuqaasha beesha Abakor Ciise oo maanta shir ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa digniin la xiriirta kursiga aqalka sare u jeediyay madaxweynaha Puntland siciid cabdulaahi Dani.

Cuqaasha iyo nabadoonada ayaa sheegay in suldaan Siciid Maxamed Garaase iyo islaan Ciise islaan Maxamed ay kursiga aqalka sare ee gobolka Nugaal u saxiixeen mudane Ibraahim  Faarax Gaas sidaasna loogu gudbiyay madaxweyne Dani.

Odayasha ayaa madaxweynaha Puntland uga digay in uu kursiga aqalka sare siiyo cid aan ahayn Ibraahim Faarax Gaas oo beeshiisa iyo isimada gobolka Nugaal u saxiixeen xubinimada aqalka sare ee baarlamanka Soomaaliya.

hoos ka daawo muqaalka odayaasha

PUNTLAND POST

The post Garoowe: Digniin laga soo saaray kursiga aqalka sare ee gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this