Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa la gudboon Rooble, kadib talaabadii uu aaday?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shalay xilal ka qaadis ku sameeyey saraakiil ka tirsanaa hay’adda NISA ayaa helay boggaadin iyo taageero ay u muujiyeen shacabka & siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah siyaasiyiinta taageeray go’aanka Rooble ayaa shaaca ka qaaday in ra’iisul wasaaraha uu u hiiliyey sarreynta sharciga, isla-markaana waxa uu kula taliyey inuu kusii adkeysto go’aankiisa ilaalinta sharciga iyo dowladnimada.

Sidoo kale musharrax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in Rooble ay la gudboon tahay inuu muujiyo feejignaan dheeri ah, wuxuuna tilmaamay inay suuragal tahay inay ‘dagaal rogaal celis ah soo qaadaan madaxweynaha iyo taliyaha Nabad-sugida’.

Siyaasigan oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku goday in ra’iisul wasaaraha looga fadhiyo inuu ku adkeysto ilaalinta sharciga, kana hortago in la sameeyo ku takrifal awoodeed.

“Labo kaar oo jaale ah ayaa maanta loo taagay. Waa dhici kartaa in uu edboonaado, waxayse u badantahay in isaga iyo Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ay dagaal rogaal celin ah soo qaadaan. RW Rooble in aad sharciga ku adkaysato ayaa lagaa rabaa, sababtoo ah in badan ayaad u sabartay takrifalka Farmaajo iyo Fahad,” ayuu yiri Siyaasi CC Shakuur.

Dhinaca kale waxa uu shaaca ka qaaday in taliyeyaasha ciidamada Xoogga iyo Booliska ay fuliyeen amarkii Rooble, isla-markaana ay faraha kala baxeen arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka, isaga oo ku amaanay garashada ay garteen ilaalinta sharciga, hase- ahaatee wuxuu qiray in weli taliyaha NISA uu faraha kula jiro arrimaha doorashooyinka.

“Waxaa muuqata in Taliyihii ciidanka xoogga iyo booliska ay fuliyeen amarkii Raysalwasaaraha. Waxay dibadda ka tageen siyaasadda iyo arrimaha doorashada, laakiin taliyihii Nabadsugidda wuxuu si awood sheegasho leh ugu lug lahaa siyaasadda iyo doorashooyinka,” ayuu sii raaciyey hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Wadajir.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, xilli shalay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu xilalkii ka qaaday agaasimihii shaqaalaha hay’adda NISA iyo taliyihii Nabad-sugidda ee garoonka Aadan Cadde, kadib markii ay ka horyimaadeen amarkiisii ahaa in qofna lagu celin karin gudaha garoomada dalka, maadaama la guda-galayo doorashooyinka 2021-ka.

The post Maxaa la gudboon Rooble, kadib talaabadii uu aaday? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this