Sign in to follow this  
Deeq A.

Shil Baabuur Oo Galaaftay Nolosha Dad Rakaab Ahaa Oo Ka Dhacay Boorama

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Boorama)-Wiil iyo gabadh dhalinyaro ah ayaa inta la ogyahay ku nafwaayay tiro kalena way ku dhaawacantay, shil baabuur oo ka dhacay meel aan ka fogayn hotelka Saw ee magaalada Boorama ee gobolka Awdal.

Shilka galaaftay noloshada dhalinyaradan, ayaa ka dhashay kadib markii ay isku dhaceen gaadhi nooca loo yaqaano Vitz ta ah iyo Bas-caasi rakaab ah oo ay leedahay shirkada socdaalka alaabada iyo rakaabka ee Bari iyo Galbeed.

Shilalka baabuurta ayaa sannadkasta nolosha kumanaan qof ku galaafta dalka Somaliland, iyadoo shilkii ugu danbeeyay ee dad ku dhintaan uu 21 bishan ka dhacay degmada Xamaas oo u dhaxaysa Hargaysa iyo Berbera.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this