Sign in to follow this  
Deeq A.

Joe Biden Oo Ansixiyey 100 Million Oo Dollar Oo Loogu Tala-galay Dib-U-Dejinta Dadka Reer Afghanistan Ee La Shaqayn Jiray Ciiddanka Maraykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Madaxweynaha Maraykanka, Joe Biden ayaa ansixiyey 100 million oo Dollar oo loo adeegsanayo Dib-u-dejinta Shaqaalaha Afganistan ee la shaqayn jirey Ciiddanka Maraykanka ee ku sugnaa dalkaasi tan iyo sanadkii 2001-dii.

Shaqaalahaasi iyo Qoysaskooda ayaa la filayaa in loo soo daad-gureeyo dalka Maraykanka, iyadoo 2,500 oo qof dabayaaqada bishan la dejin doono Saldhiga Milliteriga Maraykanka ee Fort Lee ee Gobalka Virginia.

Sidoo kale,  Madaxweyne Joe Biden  waxa uu ansixiyey 100 million oo Dollar oo loo adeegdan doono Maalgashiga Xukuumadda Maraykanka ee ku aadan dardar-gelinta Hawlahaasi.

Dhinac kale, Aqalka Wakiilada Maraykanka waxay shalay ansixiyey in tirada dadka Reer Afghanistan ee la dejinayo Maraykanka la gaadhsiiyo 8,000 oo qof  kuwaasi oo la siinayo Fiisooyaal Khaaska ee Muhaajiriinta (Special Immigrants Visa (SIV).

Shaqaalihii Reer Afghanistan oo ay ku jiraan kuwa Turjumaanka u ahaa Hawlgalkii Millateriga Maraykanka ayaa la sheegay in iyaga iyo Qoysaskooda loo daabuli doono Maraykanka,  si ay uga badbaadeen cabsi-gelinta Kooxda Daalibaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this