Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyihii Booliska Ee Degmada Gar-Adag Oo Toogasho Lagu Dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Niman hubaysan ayaa maanta dilay Taliyihii degmada Gar-Adag ee gobolka Sanaag AHN Cabaas Maxamed Diiriye kadib markii ciidanka Booliska ee uu hogaaminayay ay sameeyeen hawlgal ay ku soo qabanayeen nin ay raadinayeen.
Labada dhinac ayaa rasaas is waydaarsaday.

Taliyaha guud ee ciidanka booliska Somaliland ayaa qoraal uu soo saaray oo uu kaga hadlayo dhacdadan waxa uu ku yidhi sida tan

INAALILAAHI WA INAA ILAAHI RAAJUCUUN

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Aadan saqadhi isagoo ku hadlaaya afkiisa iyo ka Ciidan Weynaha Booliska JSL wuxuu Tacsi u dirayaa L/xle Cabaas Maxamed Diiriye Oo ahaa Taliyaha Saldhiga Dagmada garadag oo gacan ka xaq darani Ku dushay Deegaanka God heeli Dagmada Garadag Ee Gobalka Sanaag.

Marxuumka ayaa ka mid ahaa Sarakishii Dhawaan u soo baxday Ciidanka Booliska Somaliland kaas oo ciidanka ka soo galay Barnaamijkii shaqo qaran.

Taliyaha ayaa marxuumka ku sifeeyay Inuu ahaa sarkaal daacada oo shaqada qaranka kaalin weyn kaga jiray

Xafiiska Warbaahinta
Ciidanka Booliska JSl

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this