Sign in to follow this  
Deeq A.

Hogaamiyayaasha Sare Ee TPLF Oo Dacwad Lagu Soo Oogay

Recommended Posts

Deeq A.   

Itoobiya ayaa dacwad kusoo oogtay hogaamiyayaasha sare ee TPLF, oo ay ugu horreeyaan Debretsion iyo Getachew Reda.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Itoobiya ayaa dacwad ka dhan ah 62 xubnood oo ka tirsan hogaaminta xisbiga TPLF ka furay maxkadda la dagaalanka Argagaxisada ee dawladda Federaalka Itoobiya.

Eedaymaha loo haysto xubnahan oo laga diyaariyey in ka badan 5300 Ducement waxa kamid ah, inay qabteen dooroshooyin aan waafaqsanayn Dastuurka iyo eedaymo kale oo la xidhiidha musuq maasuq.

Sidoo kale waxa lagu soo eedeeyey in ay weerareen saldhigii waqooyi ee Ciidamada Militariga Itoobiya, bililiqaysteen hubkii ciidanka iyo in ay dileen askar aan tiradooda la garan karin.

Barre Cali Qaaje

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this