Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin hinaasay oo bambo ku weerarray meel ay joogtay saaxiibadii hore

Recommended Posts

Deeq A.   

Nin hinaasay oo bambo ku weerarray meel ay joogtay saaxiibadii hore

.

Nin da’ dhexaad ah oo kasoo jeeda magaalada Isiolo ee dalka Kenya ayaa lagu daweynayaa isbitaalka weyn ee gobolkaas kaddib markii ay walxaha qarxa uga dhaceen xubnaha taranka.

Dhibbanaha ayaa meel makhaayad ah oo isla magaalada Isiolo ku taalla ku jiray marka qofka lagu eedeynayo falka oo 30-meeyo sano jira uu wax qarxa ku tuuray haweeney la sheegay inay xiriir jacayl lahaan jireen.

Hase yeeshee ninka la tuhunsan yahay ayaa la waayay haweeneyda uu ku bartilmaameedsanayay waxayna bambadii ku dhacday ninka dhibbanaha ah.

Ninkii oo argagaxay ayaa bambada gacmaha ugu qabtay si adag si aysan u qarxin, laakiin ma uusan awoodin inuu iska badbaadiyo.

Haweeneyda uu bartilmaameedka ahaa, oo dhowr iyo labaatan jir ah, ayaa lagu soo warramay inay xiriirka u jartay ninka weerarka geystay oo la sheegayo inuu ka tirsan yahay booliska magaalada Isiolo.

Arrintan ayaa dhacday aroornimadii hore ee maalintii Talaadada, oo taariikhdu ay ku beegneyd 20-kii bishan July.

Booliska ayaa hadda baadhitaan ku wada sida ay makhaayaddaas wali usii furnayd xilli uu waddanka Kenya wali ka jiro bandhow socda inta u dhaxaysa 10-ka fiidnimo ilaa 4-ta arroornimo.

 

.

Dadka dhacdada wax laga weydiiyay waxaa ka mid ah milkiilihii makhaayadda iyo qaar ka mid ah shaqaalihiisa.

Laamaha amniga ayaa sheegay in haddii bambada ay dhulka ku dhici lahayd ay sabab u noqon kartay khasaare aad u badan.

Haweeney shaqaale ka ah meheraddaas ayaa warbaahinta u sheegtay in ninka eedeysanaha ah iyo kan dhibbanaha ah ay labaduba macaamiil joogto ah ka ahaayeen makhaayaddaas.

“Ninka falka geystay waa askari boolis ah, kan waxyeelladu gaartayna waa askari ka tirsan militariga. Labadooduba waxay ka tirsan yihiin saldhigyada Isiolo,” ayay tidhi gabadhaas oo ka gaabsatay magaceeda iyo aqoonsigeedaba.

Qof kale oo goob jooge ah, xogna ka hayay xiriirka ninka iyo haweeneyda ayaa sheegay in uu aad u carooday kaddib markii ay xiriirka u jartay bishii May, durbadiina ay nin kale xiriir la yeelatay.

Mas’uul ka tirsan isbitaalka Isiolo ayaa wargeyska Standard u sheegay in bukaanka loo keenay saacadihii hore ee Talaadadii, islamarkiina ay xaaladdiisa la tacaaleen.

“Qaraxa wuxuu gebi ahaanba burburiyay xubintiisa taranka iyo qeybaha hoose ee jirka. Xaaladdiisa waa lala tacaalay laakiin wuxuu u baahan yahay in isbitaal kale loo wareejiyo si adeegyo caafimaad oo dheeraad ah loogu sameeyo,” ayuu yidhi.

Booliska ayaa hadda ku raad jooga eedeysanaha oo baxsad ah ilaa markii uu weerarkaas dhacay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this