Deeq A. Posted July 23, 2021 Taliye ka tirsan Booliiska Somaliland, ayaa lagu dilay degmada Gar-adag ee Gobolka Sanaag, sida ay sheegtay warbaahinta Somaliland. Taliyihii saldhiga Booliiska degmada Gar-adag laba xiddigle, Cabbaas Maxamed Diiriye, ayaa lagu dilay degaan u dhow degmada Gar-adag, sida warbaahintu ka soo xigatay goob-joogayaal. Marxuum Cabbaas ayaa lagu dilay degaanka God-hileey oo hoos taga degmada Gar-adag, inkastoo aan faahfaahin dheeriya laga helin sida dilkaas u dhacay. Warbaahinta qaarkood ayaa sheegay in taliyaha lagu dilay halkaas xilli uu hawlgal ciidan ku jiray. PUNTLAND POST The post Taliye ka tirsan Somaliland oo lagu dilay Gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites