Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug oo sheegtay in mar kale Al-shabaab lagu duqeeyay koonfurta Gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Amniga dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegtay in duqayn cusub oo ka dhacday koonfurta gobolka Mudug lala beegsaday saldhig ay leeyihiin Al-shabaab.

War ka soo baxay wasaaradda Amniga Galmudug ayaa lagu sheegay in Laba gantaal oo kuwa diyaaradaha laga soo rido ah ayaa lagu duqeeyey saldhig kale oo kooxda Al-Shabaab degaan u dhexeeya Qaycad iyo Hareeri-dheere.

Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedka Galmudug oo iskaashanaya ay hore u galeen degaanka duqaynta lala beegsaday.

“Laba gantaal oo kuwa diyaaradaha laga soo rido ah ayaa lagu duqeeyey saldhig kale oo kooxda Al-Shabaab ay ku lahaayeen Qaycad iyo Hareeri-dheere dhexdooda, waxaana hadda horey u galay ciidamada qaranka iyo kuwa Galmudug”.

PUNTLAND POST

The post Galmudug oo sheegtay in mar kale Al-shabaab lagu duqeeyay koonfurta Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this