Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble oo loo gudbiyey caqabadaha hor taagan doorashada Aqalka Sare

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay casho sharaf u sameeyay Guddiga Doorashooyinka heer Federaalka.

Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Guddiga  Doorashooyinka heer Federaalka  kula dardaarmay in ay doorashada u maamulaan si daahfuran oo ka fog eex iyo qof jecleysi.

Guddiga doorashooyinka ayaa Ra’iisul wasaaraha u gudbiyay in caqabadaha ay heysta ay kamid yihiin dhaqaalle yarida iyo in wali aysan soo gaarin dhaqaalihii lagu qaban lahaa doorashada labada Aqal.

Waxaa kaloo sheegeen in qaar ka mid ah Madaxweynayaasha maamulada qaarkood ayasan wali soo gudbin liiska xubanaha ku tartamaya Aqalka Sare.

Ra’isulwasaare Rooble ayaa guddiga u sheegay inuu kala shaqeyn doono sidii loo xallin lahaa cabaqadaha hor taagan qabashada doorashada.

Kulanka Rooble iyo guddiga Doorashooyinka heer Federaalka ayaa imaanayo xilli ay muuqato dib u dhac ku yimid waqtigii loogu talagalay qabashada doorashada xubnaha aqalka sare oo lagu heshiiyey in la qabto 25 illaa 27 bishaan July.

Maamulka uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Madoobe ee Jubblanad ayaa u muuqada maamulka kaliya ee diyaarka u ah inuu waqtigeeda ku qabto doorashada aqalk sare, waxaana Kismaayo ka socdo dhaq-dhaqaaqyo dhanka doorashada ah.

Baarlamaanka Maamul Goboleedka Galmudug ayaa ku maqan fasax, waxaana la filayaa inuu shaqada dib ugu soo laabto 10 Agoosto taasoo muujineyso in maamulka Galmudug uusan doorashada aqalka sare ku qaban karin waqtigii lagu heshiiyey.

218389904_4190790004321277_1445706977767 223072362_4190789887654622_1968449420158 221958573_4190789700987974_2962067225608

The post Rooble oo loo gudbiyey caqabadaha hor taagan doorashada Aqalka Sare appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this