Sign in to follow this  
Deeq A.

Jacob Zuma Oo Laga Fasaxay Xabsiga, Si Uu Uga Qeyb Galo Aaska Walaalkii

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Makandala)-Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika, Jacob Zuma ayaa loo oggolaaday inuu ka qeyb galo Aaska walaalkiisa ka yar ee Misheel oo 77 jir ah, kaasi oo ku geeriyooday Degmadda Nakandala.

Jacob Zuma oo 78 jir ayaa loo fasaxay Maanta inuu ka qeyb galo Aaska walaalkiisa oo u geeriyooday xanuun muddo dheer hayey.

Bishan July 8-dii ayaa Jacob Zuma lagu xukumay Xabsi 15 bilood ah, kadib, markii lagu helay Falal Musuqa ah oo uu geystay 9-kii sano ee uu Madaxweynaha ka ahaa dalkaasi.

Dhinaca kale, Maxkamadda Degmadda Estcourt ee Bariga dalka Koonfur Afrika waxay bisha soo socota ee Agost 10-da ilaa 13-da dib u dhegeysan doontaa Dacwada loo haysto Jacob Zuma,.

Kooxda Qareenada difaacayso Zuuma waxay hore u codsadeen in Dhegeysiga Kiiskaasi dib loo dhigo ilaa 3 Isbuuc, si ay ugu diyaar garoobaan Difaaca Madaxweynaha xiran ee dalkaasi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this