Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa Kuma Jenaraalka Loo Dhiibay Hoggaaminta Ciidamada Amxaarada?

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Sareeye Guuto Tefera Mamo ayaa loo magacaabay abaanduulaha ciidamada gaarka ah ee deegaanka Amxaarada. Xilkan ayaa waxaa maalmo ka hor u magacaabay madaxwayanaha gobolka Amxaarada, Agenehu Teshager,.

Warbaahinta ismaamulka Amxaarada ayaa sheegtay in saraakiil kale iyaguna loo magacaabay inay hogaamiyaan laamaha amaanka ee gobolkaasi.

Sareeye Guuto Tefera Mamo Tefera Mamo ayaa waxaa uu ka mid ahaa saraakiisha ciidamada militariga Itoobiya ka hor intii aysan xabsiga u taxaabin TPLF oo ku eedeeysay inuu isku dayay in uu afgembi xukunka kaga tuuro ra’iisul wasaarihii geeriyooday ee Meles Zenawi.

Jananka ayaa xabsiga laga siidaaya ka dib markii uu xukunka la wareegay Abiy Axmed, waxaana loo magacaabay in uu hogaamiyo laamaha ammaanka gobolka Amxaarada, balse xilkaasi ma noqon mid muddo dheer uu si hayo.

Sareeye Guuto Tefera Mamo ayaa laga qaaday xilkaasi, waxaana mar kale la dhigay xabsiga ka dib markii la dilay madaxwaynihii gobolka Amxaarada, Ambachew Mekonen iyo labo sagaal oo sarsare bishii June 2019.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this