Sign in to follow this  
Deeq A.

Isku day Dil oo lala beegsaday Madaxweyne Dal Afrikaana oo la fashiliyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Isku day Dil oo lala beegsaday Madaxweyne Dal Afrikaana oo la fashiliyey

Andry Rajoelina
Andry Rajoelina

Xafiiska dacwad-oogaha guud ee dalka Madagascar ayaa sheegay inay fashiliyeen isku day lagu dili lahaa madaxweyne Andry Rajoelina, islamarkaana ay xidheen dhowr tuhmane oo “Ajaaniib iyo Malagasi ah.”

Laba qof oo Faransiis ah ayaa ka mid ah dhowr qof oo Talaadadii lagu xidhay jasiiraddan ku taalla Badweynte India, “taasi oo qeyb ka ah baadhitaan ku saabsan waxyeeleynta amniga dalka,” sida ay sheegeen ilo-wareedyo diblomaasiyadeed.

“Dhowr qof oo ah ajaaniib iyo kuwa u dashay Madagascar, ayaa la xidhay Talaadadii July 20, taasi oo qeyb ka ah baadhitaan lagu sameynayey weerar ka dhan ah amniga qaranka,” waxaa sidaas bayaan ay xalay soo saartay ku tidhi dacwad-oogaha guud ee dalka Berthine Razafiarivony.

“Marxaladda iminka ee baadhitaanka oo weli socda, dacwad-oogaha guud wuxuu xaqiijinayaa inaan tooshka ku ifin doonno kiiskan,” ayey tidhi.

Intii lagu guda jiray dabaal-degga maalinta xoriyadda ee June 26, militariga ayaa ku dhawaaqay inay fashiliyeen isku day lagu khaarijin lahaa madaxooda, oo sidoo kale ah gacan-yaraha madaxweynaha Jeneral Richard Ravalomanana.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this