Sign in to follow this  
Deeq A.

Musqul dahab lagu xardhay oo laga helay guri nin boolis ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Musqul dahab lagu xardhay oo laga helay guri nin boolis ah

Musqusha lagu xardhay guriga ninka booliska ah ay baarayaasha soo arkeen
Musqusha lagu xardhay guriga ninka booliska ah ay baarayaasha soo arkeen

Musqul lagu xardhay dahab iyo agab kale oo raaxada loogu talagalay ayaa laga helay guriga nin boolis ah kadib markii baarayaasha Ruushka ay u dheceen halkaas.

Baarayaasha waxay sheegeen inay howgal ka sameeyeen guriga sarkaal boolis ah oo musuq maasuq loo heystay.

Muuqaal lasoo dhigay bogga guddiga dabagalka ee Ruushka ayaa muujinaya iyagoo baaraya guriga weyn oo ay ka buuxaan agab qaali ah.

Gaashaanle sare Alexei Safonov oo ahaa madaxii ciidamada waddooyinka gobolka koonfurta ku yaalla ee Stavropol iyo lix sarkaal oo kale ayaa la xiray.

Waxaana lagu eedeeyay in laaluush ay ka qaateen dadweyne oo ay siiyeen shatiga gaadiidka oo been abuur ah.

Wuxuu shatigan u horseeday darawallada inay maraan baro kantarool oo ay ku sugan yihiin booliska iyaga sida badeecado si sharci darro ah lagu gelinayo halkaas.

Saraakiishan weli kama aysan hadlin eedeymaha loo jeediyay.

Dhammaan sarakiisha booliska Ruushka ee ka howlgala gobolkaas ayaa ka qeyb qaatay howlgalkan ka dhanka ah musuq maasuqa. Guddiga baaritaanada u qaabilsan Ruushka ee SK wuxuu sheegay in baaritaanada lagu soo qabtay lacag badan iyo baabuurta raaxada.

Guryaha qurxoon ee la arkay kuwaas oo looga shakiyay inay leeyihiin saraakiisha
Guryaha qurxoon ee la arkay kuwaas oo looga shakiyay inay leeyihiin saraakiisha
Xitaa jikada waxaa lagu xardhay dahab
Xitaa jikada waxaa lagu xardhay dahab
.

Waxay intaas ku dareen in sarkaalkan lagu magacaabo Alexei Safonov uu sanado badan laaluushka qaadanayay isla markaana uu qaatay lacag dhan 255,000 oo dollar.

Safonov wuxuu wajahi karaa 15 sano oo xarig ah, waa haddii lagu helo dembiga. Waxaa kamid ah saraakiisha la xiray taliyihii hore ee ciidamada waddooyinka gobolka oo lagu magacaabo Alexander Arzhanukhin.

Halkan ka daawo warkaa:-

Today's Russian papers display the gold toilet of a Russian police chief arrested on corruption charges. Describing his garish residence, one paper says: “It’s sad that in 30 years we’ve learned how to steal, but not how to spend the money.” #ReadingRussia @BBCNews @BBCWorld pic.twitter.com/jeRObjNzFD

— Steve Rosenberg (@BBCSteveR) July 21, 2021

Alexander Khinshteyn oo ah xildhibaan taabacsan xisbiga haya talada ayaa sheegay in la xiray in ka badan 35 kamid ah booliska waddooyinka gobolkaas.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this