Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo Muqdisho ku soo dhoweeyay dhigiisa dalka Ireland

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Avv. Xasan Xuseen Xaaji oo uu Welhiyo Wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Cabdirisaaq ayaa waxay Muqdisho kusoo dhaweeyeen Wasiirka Wasaaradda difaaca iyo arrimaha dibedda dalka Ireland Simon Coveney, T.D.  iyo xubno kale oo la socday.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Avv.Xasan Xuseen Xaaji iyo Wasiirka Gaashaandhigga iyo arrimaha dibedda Ireland ayaa si wadajir ah salaan ugu qaatay cutubyo ka tirsam Ciidanka xoogga Dalka oo u garaacay astamaha labada dowladood.

Sidoo kale Garoonka Diyaaradaha waxaa ku sugnaa oo soo dhaweynta Wafdigan qeyb ka ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xasan Maxamed Saciid Samatar , Saraakiil ka tirsan ciidamada iyo mas’uuliyiin kale .

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo Muqdisho ku soo dhoweeyay dhigiisa dalka Ireland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this