Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble oo isu keenay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16269524093962980.jpg?resize=720%

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan ku saabsan arrimaha doorashada kuraasta gobollada Waqooyi la yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’isul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble waxaa wadatashi iyo gorfeyn ka dib la isla gartay in Guddoomiye Cabdi Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku muddo kooban xal uga soo gaaraan kala aragti duwanaanshahooda arrimaha doorashooyinka si ay u qabsoonto doorashada xubnaha labada aqal ee gobollada Waqooyi.

Siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland garabka uu hoggaamiyo Cabdi Xaashi ayaa dhawaan ku eedeeyay Ra’iisul Wasaare Rooble in uusan dhexdhexaad ka ahayn doorashada gobollada Waqooyi.

Khilaafka siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ayaa saameeyay guddiga doorashada gobollada Waqooyi oo dhawaan labo shir guddoon doortay.

PUNTLAND POST

The post Rooble oo isu keenay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this