Sign in to follow this  
Deeq A.

Marykanka oo ogolaaday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo aan sharci lahayn

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda Adeega Muwaadinimada iyo Socdaalka ee dalka Maraykanka waxay ku dhawaaqday inay aqbaleen Codsiyada Nidaamka Badbaadada Ku-meel-gaarka ee TPS oo la siinayso Muwaadiniinta Soomaalida ee aan Sharciga lahayn ee ku nool Maraykanka.

Shir Jaraa’id oo ay Hay’addu shalay oo Arbaco ahayd qabtay ayey ku iclaamisay inay aqbaleen Codsiyadda Nidaamka Badbaadada Ku-meel-gaarka ee Joogitaanka Maraykanka ee TPS ee la siinayso Muwaadiniinta ka soo kala jeeda dalalka Somalia, Syria, Yemen, Venezuela iyo Myanmar.

Muwaadiniinta shantaasi waddan ee loo oggolaaday Joogitaanka Maraykanka waxaa loo oggolaaday inay muddo 2 sano ah ku nolan karaan, kana shaqaysan karaan gudaha Maraykanka.

Nidaamka Badbaadada KMG ee Joogitaanka Maraykanka waxaa la siiyaa Muwaadiniinta ay dalalkooda uga soo cararay Masiibooyinka Dabiiciga, Dagaallada iyo Qalaalsaha Siyaasadeed iyo Amni.

PUNTLAND POST

The post Marykanka oo ogolaaday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo aan sharci lahayn appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this