Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Puntland oo maanta magacaabaya guddiga doorashada Aqalka sare

Recommended Posts

Deeq A.   

Baarlamanka Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah yeelanaya fadhiga 16-aad ee Kal-fadhigooda 48aad, kadib markii ay ka soo laabteen fasaxii Ciidda Carrafo.

Fadhiga maanta ayaa sida qorshaysan lagu magacaabaya guddi ka kooban 9 xildhibaan oo qaabilsan maamulidda doorashada xubnaha Aqalka sare ee laga soo doorto Puntland.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa isna laga sugaya in uu maalmaha soo socda Baarlamanka u gudbiyo liiska dadka u tartamaya xubnaha Aqalka sare.

Doorashada Aqalka sare ee Baarlamanka dalka ayaa bilaaban doonta Axadda todobaadka soo socda oo ku beegan 25-ka July 2021 sida ku cad jadwalka doorashada.

PUNTLAND POST

The post Baarlamanka Puntland oo maanta magacaabaya guddiga doorashada Aqalka sare appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this