Sign in to follow this  
Deeq A.

Siciid Deniga Puntland oo olole ugu jira inuu noqdo Madaxweynaha Somalia+Wasiiladu u maraayo Damaciisa & qorshihiisa oo wax laga ogaadey

Recommended Posts

Deeq A.   

Siciid Deniga Puntland oo Olole ugu jira inuu noqdo Madaxweynaha Somalia+Wasiiladu u maraayo Damaciisa & qorshihiisa oo wax laga ogaadey

 deni-1024x576.jpg

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa ku jira olole doorasho oo aan shaacsaneyn, oo uu ku doonayo xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Deni ayaa inkasta oo uusan weli si rasmi ah u shaacin damaciisa, haddana wuxuu qaadayaa tallaabooyin si cad u muujinaya inuu doonayo inuu la wareego kursiga uu hadda ku fadhiyo madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Sababta Deni uusan weli ugu dhowaaqin musharaxnimadiisa madaxweyne, ayaa ah inay su’aal gelin karto dhex-dhexaadnimadiisa doorashada xildhibaanada Aqalka Sare iyo kuwa golaha Shacabka ee uu maamulkiisa qabanayo.

Si kastaba, Deni wuxuu wadaa dadaallo uu taageero ugu raadinayo ololihiisa doorasho, kuna xaqiijinayo soo saarista xildhibaan daacad u ah oo codka siiya.

Qorshaha Deni ayaa ah in inta badan xildhibaanada kasoo baxaya Jubaland iyo Puntland ay noqdaan kuwa isaga taageersan, maadaama doorashooyinkaas ay maamulayaan isaga iyo saaxiibkiis Axmed Madoobe.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this