Deeq A. Posted July 21, 2021 Guddiga doorashooyinka ku matalaya dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa si rasmi ah maanta ula wareegay qalabka loogu tala galay in lagu qabto doorashada Aqalka Sare. Xafiiska UNSOM ee magaalada Kismaayo ayaa guddiga ku wareejiyay sanaadiiqda codbixinta iyo qalabka kale ee doorashada lagu qabanayo. Guddiga oo dhankooda ka guddoomay ayaa ku guda jira diyaar garowgoodii ugu dambeyay ee doorashada Aqalka Sare. Afar maalin kadib ayaa lagu wadaa in guud ahaan dalka ay ka bilaabato qabsoomidda doorashada Aqalka Sare. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites