Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble: Siyaasiyiinta Magaalada Noo Faarujiya Doorashadi Waa Bilaabatay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble oo goordhaw shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in dhamaan khilaafyadi la soo gaba gabeyay dalkana doorashada ay ka bilaabatay.

“Shacabka Soomaaliyeedoow Ducadiinii waa na soo gaartay, sidaan horay idiin kugu sheegay Xildhibaan uma socdi, Senator uma socdi, Madaxweynanimo uma socdi  dartiin ayaan u tanaasulay ee ciddii carqalad keenta aan iska wada qabanno”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.

 

Rooble ayaa sidoo kale intaas hadalkiisa ku daray isagoo yiri “Waxaan leeyahay siyaasiyiinta Kubadda waxa ay jirtaa Dowlad gobaleedyada magaalada inaad noo faarujisaan ayaan rabna oo gobalada aad aaddaan doorashadi waa bilaabatay yaan la isku mashquulin”.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this