Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaarad ay leeyihiin ciidamada Itoobiya oo ku burburtay Koonfurta Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Diyaarad ay leeyihiin ciidamada Itoobiya oo ku burburtay Koonfurta Somalia

helicoptar.jpg

Warrarka laga helayo gobolka Bakool ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay leeyihiin ciidamada Itoobiya ay ku burburtay garoonka magaalada Xudur . Sida uu BBC-da u sheegay qof tagay halka uu shilku ka dhacay, waxa badbaaday dhamaan dadkii saarnaa diyaaradda.

Faahfaahin lagama hayo tirda dadka saarnaa iyo sababta keentay burburka diyaaradda.

Warkaan la xiriira burburka diyaaraddaan ay leeyihiin ciidamada Itoobiya ayaa imaanaya xili saacado kahor degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo ay shil ku gashay diyaarad siday rakaab oo saaka ka duushay magaalada Nairobi,isla markaana ku socotay degmadaasi ay ka baxday dhabaha ay diyaaraduhu ku cararaan marka ay dagayaan ama ay duulayaan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this