Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanada reer Awdal maanta ma u hiilin doonaan masiirka Awdal?

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaanada reer Awdal maanta ma u hiilin doonaan masiirka Awdal?

 

Ali Hamud se ma noqon doonaa Hogaamiye hanta xildhibaanada tolkii?

Ciid Mubaarik;
Reer Awdal siyaasada laba goor oo horey ilduufeen .Marka kowaad waa shirkii Borama oo iyaga oo midida daabkeeda hayey ay goosan kari waayeen xaqoodii iyagoo Somaliland dhisaya.Marlabaadna waxay ahayd markii Dahir Riyaale isagoo Madaxweyne ah markii la isku qabtey tirade Baarlamaanka reer Awdal iyo Harti uu maxkamada kula cararey isagoo awoodi lahaa inu dadka isku jiid jiido oo tixgelin gaara loo sameeyo darifyada.
Maanta waa markii sadexaad ee uu jaanis ay xaqooda ku helaan soo maro reer Awdal.
Waxay gacantooda ku badali karaan saami qaybsigii aan u maara weyney oo waxay dhisi karaan hogaan baarlamaan oo cadaali ah oo ay Soomaliland iskugu midtahay.
Cabdi razaaq Khalief haddii aad doorataan isaga iyo teamkiisa waxad doorateen gole ka xor ah reer gara oo somaaliland wada leedahay ama aanu madaxweyne jeebka ku sidan.
Tartanku maaha Faratoon iyo Cabdirazaaq- waa Muse Biixi iyo Cabdirazaaq.
Haddii uu Awdal Muuse wax u hayo eega Gabiley xataa waxad ka weyday hal gole deegaan ,eega shir gudoonka uu soo dhisay, eega dawladiisa iyo dhaqanka guud ee siyaasadiisa.
Waxan hubaa hadaad maanta dhistaan Cabdirazaaq iyo kooxdiisa waxbaad tarteen Awdal iyo Soomaliland ba- ha ilduufina maanta.

Saaxiibkey Cali Xaamudna waxan leehay nin firfircoon oo aragti leh baad ahayd .Maanta ayaa la tijaabinayaa awoodaada hogaamineed. Cabdi razaaq Khalief xataa reer abtigii buu keenay.
Tolkaa reer Awdal waa inaanay midna kaa leexan .Reer Awdal wakhtiya hore oo badan baa dhaafay iyaan agtaada lagu jabin.
Waa lagu daawanayaa Caliyow halkaad mariso 12kaa xildhibaan.Waxan sugayaa shirkiina jaraaid .

Wa Billaahi Tawfiiq

H Musa : h742@hotmail.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this