Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska Jarmalka oo war ka soo saaray nin Soomaali ah oo hore dad ugu dilay magaalada WUERZBURG

Recommended Posts

Deeq A.   

Boliska waddanka Jarmalka ayaa shaaciyay in nin Soomaaali ah oo bishii June dhowrka qof ku dilay magaaladda WUERZBURG haatan loo wareejiyey Isbitaalka lagu daaweeeyo Cuddurka Dhimirka.

Hadal ka soo baxay Boliska BAVARIA iyo Baarayaasha ayaa lagu muujiyey in uusan Ninkaasi wax xiriir ah la lahayn Kooxda Daacish ama Ururo kale, isla markaana aysan jirin cid ku wehlisay weerarkii Tooreyda ee uu ku dilay 3 Haween, kuna dhaawacay 5 kale.

Boliska waxaa kaloo baareen Telefoonkii uu lahaa Ninka Soomaaliga ee weerarka geystay, iyagoo ka waayey xiriir uu la sameeyey Shaqsiyaad ka tirsan Kooxda Daacish ama kooxo kale.

Ninka Soomaaliga ee weerarka geystay oo 25 jir ah waxa horey looga daaweeyey Xanuunka Dhimirka, sida ay xaqiijiyeen Baarayaasha iyo Dhakhaatiirta Jarmalka.

PUNTLAND POST

The post Booliiska Jarmalka oo war ka soo saaray nin Soomaali ah oo hore dad ugu dilay magaalada WUERZBURG appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this