Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo ku wajahan magaalada Cadalle

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdulahi Xuseen Guudlaawe wefdi uu hogaaminayo oo uu qeyb ka yahay Madaxweyne Kuxigeenka Yuusuf Dabageed ayaa malinta berri ah ku wajahan magaalada Cadale ee Gobolka shabeelaha dhexe.

Sidoo kale wefdiga waxaa qeyb ka ah Musharaxiin madaxweyne horena usoo noqday Madaxweynayaal kuwaas oo kala ah Xasan sheekh Maxamuud, Sheikh Shariif Sheikh Ahmed, Xildhibaano iyo Wasiiro kaTirsan Xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Ujeedka Wafdiga safarkooda ayaa lagu sheegay in ay Mashaariic kala duwan ka dhigaxdhigi doona Magaalada Cadalle ee Gobolka shabeelaha dhexe.

Ciidamada amaanka ayaa wado dhaq dhaqaaqyo ku aadan howlgalo ay ka wadaan Magaalada Cadalle iyo deegaanada hoosyimaada ee Gobolkaas.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Hirshabeelle oo ku wajahan magaalada Cadalle appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this